Garoowe-(Puntland Mirror) Habeenkii Isniinta ee taariikhdu ahayd 11 Febraayo 2019, Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiiradda. Golaha cusub ee wasiiradda ayaa ka kooban 18 Wasiir, 21 Wasiir ku-xigeen iyo 9 Wasiiru-dowle, taasoo ka dhigaysa wadarta guud gole dhan 48 xubnood. Waxay madaxweynaha ku qaadatay inuu ku soo dhiso golahan cusub muddo 35 cisho ah laga bilaabo maalintii xafiiska loo dhaarshey taasoo ah waqtigii ugu dheeraa ee taariikhda Puntland ay madaxweyne ku qaadato inuu gole xukumeed soo dhiso.
Madaxweyne Deni ayaa ku dhacay tijaabadii ugu horeysey ee hogaankiisa taasoo la xiriirta dadka uu u xushay jagooyinka sare sare ee muhiimka ah sida Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Qorshaynta, Aminga iyo Deegaanka. Madaxweynaha xulashadiisu waa ay ka hoos martay rajadiisa sare ee ay dadka Puntland qabeen. Waxay kale oo calaamad su’aal saartay Madaxweyne Deni hogaamintiisa iyo kalsoonida lagu qabi karo. Ka mid noqoshada golaha wasiirada shakhsiyaad hore loogu eedeeyey musuqmaasuq iyo hawlkarnimo la’aan waxay saadaal aan wanaagsanayn u tahay mustaqbalka Puntland.
Xaaladu waxay u muuqataa “kud ka guur oo qanjo u guur”, mar haddii uu madaxweynaha cusubi isku wareejiyey dad aan karti lahayn, dad la mid ah kuwii dowladihii hore curyaamiyey oo keenay in madaxdii hore uu galo isla weyni iyo ismood waxaysan ahayn.
Magacaabista madaxweynaha ayaa bulshadu ka muujisey niyad-jab iyo bogaadin la’aan. Madaxweynaha oo lagu tuhmayey inuu yahay mas’uul xaqiiqooyinka dalka ee dhaqaale iyo bulsho wax badan kala socda ayaa la filayey in uu soo dhisi doono gole ka tayo fiican kana tiro yar golayaashii dowladihii ka horeeyey. Waxaa xaqiiq aan la inkiri karin ah in wasaaradaha hadda jira ay muhiim u yihiin shaqooyinka dowladda ee muddadii 10 sanno ee ugu danbeysey ay hawshoodu sii xoogeysaneysey. Waxaa kale oo aan muran la gelin karin in jagooyinkan sare ee dowladda loo baahan yahay in loo magacaabo dad leh aqoon ku haboon, karti, tayo hogaamineed iyo hufnaan, dad hawsha qaban kara bulshadana u noqon kara tusaale fiican dhinaca isla-xisaabtanka iyo dhaqan wanaaga.
Puntland Mirror ayaa wax ka weydiiyey falaanqeeyayaasha siyaasadda ee Puntland aragtidoodu ku saabsan golahan cusub.
“Labo meelood haddaan ka fiiriyo iima muuqato wax isbadal ah in uu soo kordhay.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cali, oo ah falaanqeeye ku sugan Puntland. “Waxaa la filayay in madaxweynaha uu isbedelkiisu ka muuqdo ugu yaraan sadexda wasaaradood ee muhiimka u ah dowladnimada, kuwaasoo kala ah Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga. Wasiiradda loo magacaabay sadexdaas wasaaradood marka dib loo jaleeco khibradooda, aqoontooda iyo waayo aragnimadooda ku aadan maaliyadda, amniga, arrimaha maamul daadejinta, dowladaha hoose iyo Federaalismka ma muuqato in ay wax weyn ka qaban karaan ama ka bedeli karaan”.
Falaanqeeyayaasha ka fikir dhiibtay golaha wasiirada cusub waxay isku raaceen in uusan madaxweynuhu wasiiradaas ku soo xulin aqoon iyo karti balse uu ku soo xulay dano gaar ah sida saaxiibtinimo, ganacsi ama isu dhowaansho qoys.
“Labo ka mid ah ragga la magacaabay waxay aad ugu dhawaayeen Deni xilligii ololaha uu ku jiray, sidaas baa keentay in uu u magacaabo xilalkaas,” Mudane Siciid Faarax oo ah falaanqeeye dhinaca siyaasadda ayaa sidaa yiri.
Xulashada Madaxweyne Deni uu u magacaabay Mudane Xasan Shire Abgaal jagada Wasiirka Maaliyada aad baa loo saadaalinayey maaadama uu Mudane Xasan si aan qarsoodi lahayn oo awood leh ugu ololeynayey Mudane Deni. Xasan Shire wuxuu soo qabtay jagada Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee Wasaaradaha Caafimaadka iyo Xanaanada Xoolaha, isaga oo xil dowlo oo xilkaas ka sareeya aan horey u qabin, aanana lahayn waayo aragnimo dhinaca maamulka maaliyada bulshada, qorshaynta iyo dejinta istaraajiyada siyaadda dhaqaalaha.
La dagaalanka musuqmaasuqa iyo eexashada waxaa marar badan ku celcliyey Madaxweyne Deni xilligii uu ku jirey ololaha doorashada. Wuxuu tusaale u soo qaatay xirfadiisa iyo waayo aragnimadiisa dhinaca ganacsiga inuu abuuri doono jewi ku haboon horumarka iyo koboca dhaqaalaha. Xulashadiisa jagada wasaarada maaliyada ma waafaqsana balanqaadyadiisii laakiin waqtiga ayaa inoo sheegi doona in xulashadani ay burburin doonto go’aankiisa iyo inuu balanqaadyadiisii uu fuliyo iyo waxyaabaha uu ka damacsan yahay waxtarka, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Maxamed Cali oo ah xeeldheere ku sugan Garowe, ayaa ku soo koobay saamaynta ay wasaaradani ku yaalan karto madaxweynaha hogaamintiisa iyo isku halayntiisa, iyo qorshihiisa wax ka bedelka dhaqaalaha sanadaha soo socda. Maxamed Cali wuxuu yiri, “Jagadani waxay u baahan tahay qof aqoon sare oo u qalma leh, xirfad beekhaaminta dakhliga bulshada oo dhowrsoon lehna waayo-aragnimo iyo xeeldheeri la xiriirta maamulka maaliyada bulshada, iyo dib u qaabaynta dhaqaalaha. Xulashada jagadan aadka u saraysa oo aadkana loo raadiyo waxay wax nooga sheegi kartaa hab hogaamineedka Mudane Deni iyo god-daloolooyinkiisa. Raadka dhaqaale iyo hoos u dhaca ku yimaada kalsoonida lagu qabo madaxweynaha waxay noqon kartaa mid aad u weyn oo uu madaxweynuhu ka soo kaban waayo”.
Sidoo kale magacaabida Madaxweynaha ee Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan uu u magacaabay Wasiirka Aminga waxay dhalisay su’aalo iyo dayro la xiriirta dhinaca ku haboonaanshihiisa iyo hawl karnimadiisa ee jagadan. Gallan wuxuu hadda ka hor soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bari. Markii uu xilka ka qaaday Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuu xukuumadii madaxweyne Gaas kala horyimid kacdoon qabiil, inkastoo markii dambe wadahadal nabadeed lagu xaliyay.
Madaxweynuhu wuxuu kale oo u magacaabay Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Federaalaynta. Sida ay cadeeyeen xeeldheerayaasha siyaasidda iyo dowladanimada ee Puntland, Mudane Maxamed saaxada siyaasidda waa ku cusub yahay, marna jago sare oo dowladeed ma soo qaban. Inkastoo uu in muddo ah la shaqaynayey hay’addaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya bina-aadanimada, Mudane Maxamed ma laha khibrad iyo waayo aragnimo uu kaga soo dhalaali karo hawlaha adag ee dhismaha iyo horumarinta dowladaha hoose, maamul daadejinta, taageerida noloshada dadka reer guuraaga ah, qorshaynta magaalooyinka, habaynta iyo kormeerida Booliiska, dimuqraadiyeynta Puntland iyo horumarinta Federaalismka.
Dadka reer Puntland badidoodu waxay isku waafaqsan yihiin in sanadkan 2019 uu soo xiro jabtar ka mid ah taariikhda Puntland uuna noqdo markii ugu danbeysey ee doorashooyinka Puntland lagu soo xulo qaab qabiil oo ay madax dhaqameedku soo xulaan. Hogaaminta iyo jiheyna wasaarada arrimaha gudaha oo kaashanaysa wasaarada cadaaladu, waxay saameyn xoogan ku yeelan doontaa mustaqbalka dhinaca cadaalada, siyaasidda, hab-dhaqanka bulshada iyo qaabdhismeedka dowladnimada Puntland. Isbedel dhab ah oo xoogan ayaa loo baahan yahay si loo gaaro nidaam cadaalad oo waxtar leh, loo siman yahay oo madax banaan. Talaabo dhaxalgal leh waxay noqon kartaaa in dib u habayn iyo isbedel lagu sameeyo maxkamadda sare ee Puntland si loo xaqiijiyo cadaalad madax banaan iyo si loo hubiyo in lagu xaliyo ama loogu garqaado wixii khilaafaad ah ee ku yimaada nidaamka dimuqraadiga ee soo ifbaxaya. Labadan wasaaradood waxay u taagan yihiin kor u qaadida iyo xoojinta nidaamka Federaalka ee Soomaaliya iyo helitaanka runta ah ee nidaamka saraynta sharciga ee Puntland.
Falanqeeyayaashu waxay kale oo walaac ka muujiyeen oo dood kululna ka timid sababta loogu magacaabay afar jago oo muhiim ah oo kala ah Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Qorshaynta afar nin oo ka wada tirsan hal beel ah taasoo ah arrin ugub ku ah oo ay tahay markii ugu horeysey oo ay ka dhacdo taariikhda Puntland. Xeeldheerayaashu waxay ka digeen in magacaabida afartan jago ay wax u dhimi karto midnimada, wada noolaanshaha, wax qaybsiga, wax wada qabsiga iyo kalsoonida bulshada Puntland.
Arrin kale oo madaxweyne Deni fahmi waayey ayaa u muuqata baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo isu dheelitir la’aanta ragga iyo dumarka ee golaha cusub. Madaxweynuhu wuxuu ku daray hal gabar ah oo keli ah golihiisa wasiirada ee dhan 18-ka wasiir, taasoo ah guul daro iyo tixgelin la’aan balanqaadyadiisii xilligii ololaha.
Madaxweynuhu wuxuu isku daray labada wasaaradood ee deegaanka iyo beeraha, go’aankaasoo loo arkay mid aan laga fiirsan. Mudane Xuseen Xaaji Yuusuf oo ah xeeldheere dhinaca deegaanka ah oo degan Garowe ayaa ka hadlay arrintan. “Waxaan aaminsanahay in go’aanka madaxweynaha ee uu isugu daray labada wasaaradood ee deegaanka iyo beeraha ay tahay mid uu ku ilduufay. Dhibaatooyinka deegaanka ee maanta jira waa kuwo adag, oo aan ahayn oo keliya khataro ku wajahan dhirta iyo daaqa ee ah khataro ku wajahan deegaan-nololeedkeena oo dhan bad iyo beriba. Waxaan u baahanahay wasaarad u gaar ah oo u go’da ilaalinta deegaanka iyo abuurida barnaamijyo wax looga qabanayo dhibaatooyinka deegaanka”.
Xilligii ololaha Mudane Deni ayaa balanqaaday in uu wax ka qaban doono amniga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa oo naafeeyay Puntland tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1998. Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa sidii uu ugu qancin lahaa bulshada Punltand inay wax-ka-qabashada arrimahaas ay ka dhab tahay, ugana dhabayn lahaa balanqaadyadiisii, gaar ahaan dhinaca amniga, horumarinta dowladnimada, la dagaalanka musuqmaasuga, dimoqraadiyeynta iyo doorashooyinka.
Sida Puntland Mirror ay u sheegeen ilo-xog ogaal ah, madaxweynaha ayaa caqabad kala kulmay soo dhisida golaha wasiiradda kadib markii shakhsiyaad kala duwan ay cadaadis ku saareen in uu soo magacaabo xubno ay wateen. Go’aan qaadashada jilicsan ee madaxweynuhu waxay dhaawici kartaa kalsoonida iyo aaminaada ay bulshada ku qabto isaga iyo golihiisa cusub.
Inkastoo falaanqeeyayaasha siyaasadda iyo dadweynuhuba ay walaac muujinayaan haddana waxqabadka golaha cusub iyo hogaaminta Mudane Deni waxaa lagu qiimeyn doonaa sida uu u fuliyo balanqaadyadiisii iyo isbedelada uu ku sameeyo nabadgelyada, dhaqaalaha iyo dowladnimada Puntland.
Be the first to comment