Golaha DFS oo si aqlabiyad leh u ansixiyay raysulwasaaraha cusub Xamsa Cabdi Bare

Xildhibaanada oo u gacantaagaya raysulwasaare Xamsa Cabdi Bare. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah si aqlabiyad leh u ansixiyay raysulwasaaraha cusub Xamsa Cabdi Bare.

Dhammaan xubnihii kulanka soo xaadiray ayaa u gacan taagay codka kalsooni siinta ee raysulwasaaraha, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamanaka Aadan Maxamed Nuur oo loo yaqaan Aadan Madoobe.

Xamsa Cabdi Bare oo ahaa xildhibaan laga soo doortay maamul goboleedka Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu u magacaabay raysulwasaare bartamihii June.

Waxyaabaha ugu horeeya ee horyaala raysulwasaaraha cusub ayaa ah soo dhisida xukuumadda taasoo bedeli doonta xukuumadda uu hoggaamiyo raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo bishii Janaayo 2021 ay dhammaatay muddo xileedkeedii.

Abaarta daran ee dalka oo dhan ka jirta iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo weli maamusha gobolo dalka kuyaala ayaa sidoo kale kamid ah caqabadaha ugu adag ee uu wajihi doono Xamsa Cabadi Bare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*