Farmaajo oo sheegay in dhawaan uu magacaabi doono guddi ka shaqeeya dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warbaahinta kula hadlayay Villa Soomaaliya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabi doono guddi ka shaqeeya dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray dhawaan.

Madaxweynaha oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii uu u bixiyay “Nabadda iyo dib u Heshiisiinta”, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

“Maalmaha soo socda waxaan magacaabayaa guddi dabagal ku sameeya mashaariicdii aan soo ballan qaadey, si aan ula soconno dhaqan galkooda. Dowladda waxaa ka go’an in ay kaalinteeda ka qaadato.” Ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa uga mahadceliyey shacabka sida wadaniyadda leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa biseylka iyo hanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowladnimada iyo wadajirka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug dadaalka ay ugu jiraan horumarinta, xasilinta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegannadaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay oo Talaado aheyd dib ugu noqday Muqdisho kadib socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah oo uu ku maray gobolo kuyaala Puntland iyo Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*