Puntland oo ciidamo dheeri ah geysay deegaanka Tukaraq

Ciidamo katirsan Puntland oo ka ymid gobolka Karkaar oo gaaray Tukaraq maanta oo Talaado ah. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa ciidamo dheeri ah u diraysay deegaanka Tukaraq asbuucyadii lasoo dhaafay, taasoo muujineysa u diyaargaroow dagaal.

Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamo aad u hubeysan ayaa gaaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool si ay u xoojiyaan ciidamo katirsan Puntland oo halkaas joogay, ilo-wareedyo katirsan dowladda Puntland oo codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa u xaqiijiyay warsidaha Puntland Mirror.

Maanta oo Talaado ah, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan qeybta ciidamada Puntland ee gobolka Karkaar ayaa gaaray Tukaraq.

Isaga oo ka hadlayay munaasabadii salaada Ciidul Fidriga ee magaalada Garoowe, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay xoreynta gobolka Sool.

Ciidamada Puntland iyo Soamliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe, caasimada Puntland.

Xaalada Tukaraq ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay deganayd, balse dagaalka ayaa ka qarxi kara wakhti kasta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*