Ey dilay cunuga madaxweynaha dalka Gambia oo la dilay

Habibu Barrow ayaa u dhntay qaniinyada eyga, sida ay sheegeen qoysku. [Sawirka: DR ISATOU TOURAY/Facebook]
Habibu Barrow ayaa u dhntay qaniinyada eyga, sida ay sheegeen qoysku. [Sawirka: DR ISATOU TOURAY/Facebook]
Ay dilay cunug yar oo sideed sano jir ah oo uu dhalay Madaxweynaha dalka Gambia Adama Barrow ayaa la dilay, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Habibu Barrow ayaa ku dhintay isbitaalka kadib markii uu qaniinay eygu bishii lasoo dhaafay isaga oo ku sugnaa guriga eedadiis oo kuyaala xeeb u dhow caasimada Banjul.

Weerarka ayaa dhacay kahor inta Barrow la caleemo-saarin markaas oo uu ku sugnaa dalka Senegal.

Madaxweynaha oo dhawaan dalka Gambia kusoo noqday, ayaa ka maqnaa aaska wiilkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Habibu walaalkiis uu garaacay eyga uuna dhaawac culus uga geystay madaxa.

Eyga waxaa lahaa madaxweynaha walaashiis waxaana uu waardiye uga ahaa gurigeeda. [Sawirka: BBC]
Eyga waxaa lahaa madaxweynaha walaashiis waxaana uu waardiye uga ahaa gurigeeda. [Sawirka: BBC]

Ma cadda sababta uu eygu u weeraray wiilka yar ee geeriyooday.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in eyga oo ay lahayd eedadu uusan cidna weerarin markaas kahor.

Adama Barrow, oo bishii December ee sanadkii 2016-ka la doortay, ayaa joogay dalka deriska ah ee Senegal kadib markii madaxweynihii hore Yahya Jammeh uu diiday in uu xilka ka dego.

Barrow ayaa Gambia kusoo noqday asbuucii lasoo dhaafay kadib markii Jammeh uu go’aansaday in uu dalka ka tago.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*