Isaga oo saraakiil maxali ah kula hadlayay xarunta madaxtooyada Ankara Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri: “Waa rajadayda ugu weyn in dadaalkan badbaadinta walaalahayo Suuriya uu guuleysan doono ayna dhawaan dhammaan doonto.”
Xabad-joojin dalka oo dhan ah ayaa asbuucii lasoo dhafay ka dhaqangashay gudaha Suuriya, kadib heshiis ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga, Ruushka iyo rajiimka Suuriya.
Inta ay xabad-joojintu socoto, dhinacyada dirirtu ka dhaxayso ayaa balanqaaday in ay joojinayaan weerarada hubaysan, ee cirka iyo dhulka ah, haddana aan la sameyn doonin dhul balaarsi ka dhan ah midba midka kale, kooxaha argagixisada ah kuma jiraan heshiiska xabad-joojinta.