Duqa Muqdisho oo sheegay in Isgoyska Zoobe loo bixiyay ’14 Oktoobar’ si loogu xasuusto dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay halkaas

Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlayay isgoyska Zoobe oo hadda loo bixiyay 14-ka Oktoobar. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Isgoyska Zoobe ee kuyaala Muqdisho kaasoo dhawaan uu ka dhacay qaraxii weynaa ayaa magacii laga badalay waxaana loo baxshay “14 Oktoobar”, sida uu sheegay duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo maanta Khamiis ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isgoyska Zoobe magaca looga badalay si loogu xasuusto dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

Ugu yaraan 350 oo badaankood shacab ahaa ayaa ku naf waayay in ka badan 300 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday gaari weyn oo ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii Oktoobar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*