Madaxweynaha Puntland oo danjiraha Sweden u qaabilsan Africa kulan kula yeeshay Brussels

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ka qeybgalay shirka Brussels. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Brussels-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Brussels kulan kula qaatay danjiraha Sweden u qaabilsan Africa Helena Rietz.

Kulanka uu Madaxweyne Cabdiweli la qaatay marwo Helena ayaa waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, waxaana si gaar ah uu kulanku ugu saabsanaa xoojinta xiriirka horumarineed ee ka dhexeeya Puntland iyo Sweden, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Waxaa kale oo kulanka looga wadahadlay xoojinta mashaariicaha horumarineed ee dowladda Sweden ay ka caawiso Puntlnad iyo Sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, deeqaha iyo ammaanka guud ee gobolka.

Danjiraha ayaa sheegtay in ay dowladeedu diyaar u tahay sidii ay Dowladda Puntland uga caawin lahayd kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii mashaariic tayo leh Puntland uga fulin lahayd Dowladda Sweden, sida lagu sii sheegay bayaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan dalka Belgium halkaas oo uu uga qeybgalay shir-weyne ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*