Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo dhici doonta 30 April

Baarlamaanka Soomaaliya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhici doonta 30 April, sida maanta oo Axad ah ay bayaan ku sheegeen guddiga qabanqaabada doorashada.

Musharixiin badan ayaa tartamaya, oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhiga Mursal Shiikh Cabdiraxmaan. 

Musharax walba oo katirsan golaha wasiirada kaasoo u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka waa in uu iscasilaa kahor inta uusan isdiiwaangelin, guddiga ayaa sidaa sheegay.

Horaantii bishaan, guddoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cumaan Jawaari ayaa iscasilay kadib dhowr asbuuc oo ismari-waa siyaasadeed ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*