Dowladda Soomaaliya oo weydiisatay Mareykanka gargaar milatari si looga hortago qosrhe ay Al-Shabaab ku rabto in yuraaniyuum ay siiso Iran

Sawirka: Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa weydiisatay Mareykanka in ay siiyaan “gargaar milatari oo degdeg ah” sababtoo ah dowladda ayaa sheegaysa in Al-Shabaab ay qorshaynayaan sidii ay yuraaniyuum u siin lahaayeen dalka Iran.

Warqad ku socota safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz, Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ku sheegay in kooxda hubaysan ee Al-Shabaab oo ku sugan bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Galmudug ay doonayaan in ay yuraaniyuum u dhoofiyaan Iran.

Waraaqda ayaa lagu sheegay in arrintu ay dhibbaato ku noqonayso bulshada caalamka oo dhan aysana ku ekaan doonin xuduudaha Soomaaliya oo keliya.

Saxnaanshaha waraaqda ayaa waxaa laanta Af-Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya gudaha Mareyknka, Axmed Ciise Cawad.

Waraaqda ayaa sheegaysa in Mareykanka keliya uu awood u leeyahay in uu ogaado uuna burburiyo canaasiirta Al-Shabaab ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*