Maleeshiyada Al-Shabaab oo magaalada Goofgaduud ka qabsatay ciidamada dowlada Soomaaliya

al-shabab
Koox hubaysan oo katirsan Al-Shabaab. [Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah ka qabsatay ciidamada dowlada Soomaaliya magaalada Goofgaduud oo kutaala koonfur-galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha.

Sarkaal dhanka amaanka ah oo katirsan dowlada Soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la sheegin aya Puntland Mirror u sheegay in magaalada ay gacanta maleeshiyada ku dhacday saakay oo Axad ah.

Afhayeenka Al-Shabab u qaabilsan howlgalada milatariga, Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa xaqiijiyay in kooxda ay qabsatay magaalada, sida ay ku warameen warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

Goofgaduud waxay dhanka waqooyi-galbeed ka xigtaa qiyaastii 245km caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Qabsashada Goofgaduud ayaa imaanaysa asbuuc kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay la wareegeen magaalada Tiyeeglow ee kutaala koonfur-galbeed Soomaaliya kadib markii ay ciidamada Itoobiya ka baxeen.

 

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*