DFS oo ka hor joogsatay Mukhtaar Roobow in uu u tartamo hoggaamiyaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed

Mukhtaar Roobow. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor joogsatay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur in uu u tartamo hoggaamiyaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga fiidnimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in Mansuur uusan buuxin shuruudihii looga baahnaa in dhammaan laga qaado cunoqabatayntii saarnayd.

“Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabataynti saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

“Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen.
Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed.”

Waa kuma Mukhtaar Roobow?

Mukhtaar Roobow sidoo kale loo yaqaan Abu Mansuur waxa uu ku dhashay sanadkii 1969 gudaha degmada Xudur ee gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu Quraanka Kariimka ku bartay dugsi Quraan kuyaala gudaha gobolka Bakool, kadibna waxa uu barashada diinta kasii watay masaajid kuyaala gudaha magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990 waxa uu shareecada ka bartay Jaamacada Khartuum ee dalka Suudaan.

Sanadkii 1996 waxa uu saldhigii ugu horeeyay ee xirfadlenimada tababarka maleeshiyada ka furay gudaha Xudur.

Sanadkii 1998 waxa uu hoggaamiye ka ahaa dagaalkii Gedo ee dhexmaray dhaqdhaqaaqa maleeshiyada ee ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ee degmada Luuq iyo gobolka Gedo.

2001 ilaa 2002, waxa uu u safray dalka Afkaanistaan si uu tababar ugu soo qaado waxaana uu ka soo qeybgalay dagaalkii Afkaanistaan ee ka dhanka ahaa ciidamada Mareykanka.

2002 ilaa 2004, waxaa la rumeysanyahay in uu Scandinavia qaxooti ku ahaa, gaar ahaan dalka Finland.

2006 waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka iyo masuulka Arrimaha Amniga gudaha ee ururkii Maxaakiimta Islaamka.

Sanadihii u dhaxeeyay 2007 ilaa 2013, waxaa uu soo noqday hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab iyo afhayeenka kooxda.

Sanadkii 2012, Mareykanku waxa ay ku dareen liiska dadk argagixisada ah ee ay doonayaan waxaana madaxiisa la dul saaray shan milyan oo Dollar (5,000,000).

2013 wixii ka dambeeyay waxaa uu ku sugnaa deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool oo qabiilkiisa Raxan-weyn ay degaan, kadib markii ay isku dhaceen hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Abuu Subeyr.

Bishii June ee 2017, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Goaanka Mareykanka kadib, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u qabtaan ama u dilaan Mukhtaar Roobow. bishii Agoosto 2017, dagaalyahano hubaysan oo ka socda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Abal oo fadhi u ahayd Abu Mansuur.

Bishii Agoosto ee 2017, Mukhtaar Roobow ayaa goaansaday in uu ka tago kooxdiisii hore ee Al-Shabaab.

Asbuucaan, ayuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u tartamayo madaxweynenimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*