Xilliga la fulinyo toogashada saddex nin oo lagu helay kufsi iyo dil gabar yar oo la shaaciyay

Saddexda nin ee lagu helay gaboodfalka ka dhanka ah Caasho Ilyaas Aadan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saddex nin oo lagu helay in ay kufsadeen oo ay dileen gabar 12 sanno jir ah ayaa xukunkooda oo dil ah la fulin doonaa 11 bisha soo socota ee Febaraayo, sida maanta oo Axad ah uu baahiyay taleefishinka dowladda Puntland, oo soo xiganaya xafiiska xeer ilaalinta guud.

Saddexda nin oo labo ay walaalo tahay ayaa maxkmadaha Puntland ku xukumeen dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ay kufsadeen oo ay dileen Caasho Ilyaas Adan.

Dhacaanada DNA oo laga qaaday saddexda nin ayaa cadeeyay in ay dambigaas galeen, taasoo ka dhigtay markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya oo DNA loo adeegsado si loo baaro dambi noocaas oo kale ah.

Dambiga ka dhanka ah gabadha yar ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo bishii Febaraayo ee sanadkii 2019.

Gaboodfalkaas ka dhanka ahaa gabadha yar ayaa caro weyn ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*