Ciidanka PSF oo sheegay in ay dileen 20 dagaalyahan oo ISIS ah kadib howlgal ka dhacay gobolka Bari

Sawirka askari katirsan Ciidanka PSF oo ka dagaalamaya Buuraha Galgala.[Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka PSF ayaa sheegay in ay dileen 20 dagaalyahan oo katirsan ISIS kadib howlgal milatari oo ka dhacay gobolka Bari, sida lagu sheegay bayaan maanta oo Arbaco ah ka soo baxay ciidanka PSF.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Timirshe, Caymara iyo buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, halkaas oo maleeshiyada ISIS ay ka howlgalaysay sanadihii u dambeeyay.

“Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ku dileen tiro ka badan 20 xubnood oo ka tirsan cadowga Daacish oo ay ku jiraan saraakiil sare oo uu iskugu jira Soomaali iyo ajnabi ,uuna ka mid yahay sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka,” ayaa PSF ku sheegeen bayaanka.

Ciidanka PSF ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen kayd weyn oo ay maleeshiyada ISIS dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin aad u faro badan, daawo, rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Sawiro ay PSF ku daabaceen boggooda Facebook ayaa laga arki karay meydka maleeshiyo ku labisan tuutaha ciidanka iyo raashin.

Raashin laga qabsaday kooxda ISIS. [Isha Sawirka: PSF]
Garabka Daacish ee Puntland ku sugan, taasoo asaasmatay bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin, oo horey u ahaa sargaal Al-Shabaab ah. Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ku dartay Muumin liiska argagixisada adduunka. Ku xigeenkiisii Cabdixakiin Dhuqub ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay bishii April 2019.

Maleeshiyada oo loo maleynayo in ay haysato ku dhawaad 100 dagaalyahan, ayaa saddexdii sanno ee u dambeysay sheegatay masuuliyada ficilo argagixiso oo ay kamidyihiin dilal iyo qaraxyo oo badankood ka dhacay gudaha Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*