Ciidamo gadoodsan oo la wareegay kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe

 

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe[Sawirka: Archive]
Ciidamo gadoodsan oo la wareegay kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe[Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo aad u hubaysan aayaa la wareegay kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe, halkaas oo uu kuyaalo xafiiska canshuur uruurinta ee wasaaradda maaliyada, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Ciidamada ayaa ka xanaaqay kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay in ay mushahaarkooda siiso in ka badan muddo sanad ah, sida ilo-wareedyadu sheegeen.

Tani ayaa imaanaysa wax ka yar 10 beri kadib markii ciidamo gadoodsan oo katirsan ciidamada Puntland ay la wareegeen xarunta baarlamaanka ee magaalada Garoowe.

Tan iyo sanadkii 2014-kii magaalooyinka Puntland oo ay ku jirto caasimadu ayaa goobjoog u ahaa mowjado gadood ah oo ka dhashay mushahaar la’aanta iyo duruufo kale oo haysta ciidamada.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*