Ciidamadii gadoodsanaa ee Puntland oo ka baxay xarunta baarlamaanka

Gaari gaashaaman oo ay leeyihinn ciidamada gadooday oo la dhigay banaanka xarunta baarlamaanka. [Xigashada Sawirka: Facebook]
Gawaari gaashaaman oo ay leeyihinn ciidamada gadooday oo la dhigay banaanka xarunta baarlamaanka. [Xigashada Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamadii hubaysnaa oo gadooday qabsadayna xarunta baarlamaanka Puntland ee kutaala gudaha magaalada Garoowe, ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaas isaga baxeen.

Ciidamada ayaa go’aansaday ka bixida xarunta baarlamaaka kadib markii Islaan Ciise Islaan Maxamed oo isimada Puntland kamid ah uu ku qanciyay ciidamada in la siinayo waxa ay rabaan.

Ciidamada ayaa dib ugu laabtay saldhigyadooda rasmiga ah ee kuyaala duleedka magaalada, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ciidamada ayaa ka carooday kadib markii dowladdu ay ku fashilantay in ay siiso mushahaarkoodii muddo ka badan sanad, sida saraakiil dowladda ah ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Tan iyo markii Cabdiwli Maxamed Cali loo doortay madaxweynaha Puntland bartamihii bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii, gobolada Puntland ayaa goobjoog u noqday hirar gadoodyo ah oo  ka dhashay mushahaarka iyo xaalado kale.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*