Ciidamadda Ammaanka Puntland oo saddex xubnood oo looga shaki qabo Al-Shabaab ku qabtay buuraha Galgala

Kolonyo katirsan ciidamadda Ammaanka Puntland PSF oo ku sugan buuraha Galgala. [Sawirka: Facebook/psf]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Saddex xubnood oo looga shaki qabo Al-Shabaab ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay buuraha Galgala, sida Ciidamadda Ammaanka Puntland (PSF) ay ku sheegeen bayaan ay soo dhiggeen Facebook-ka maanta oo Khamiis ah.

Bayaanka, PSF waxay ku sheegeen in howlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanadda Dhadhabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin, Madarshoon iyo Diindigle oo kuyaala buuraha Galgala.

Xubnaha la qabtay ayaa loo qaaday magaalada Boosaaso si loo baaro, PSF ayaa intaas ku dartay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyagu ka dambeeyeen weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo kuyaala Boosaaso Talaadadii, oo ay ku dhawcameen afar askari.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamadda Puntland ayaa kula dagaalamaya maleeshiyada Al-Shabaab gudaha buuraha Galgala tan iyo 2010-kii.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*