“Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ku bartilmaameedsadeen kagana hortageen 67 dagaalyahan oo ka tirsan cadowga Al Shabaab oo ku sugnaa Diindigle iyo Madarshoon, kuwaas oo qorshaynayey in weeraro gaadmo ah ku qaadaan saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee Galgala,” ayay ku dhaheen qoraal ay ku soo daabaceen bogga Facebook.
PSF waxay sheegeen in 13 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ay ku dileen howlgalka, ayna burburiyeen meelihii ay ku dhuumaanaysanayeen ee halkaas ku yaalay.
Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamaya buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii.