Mareykanka oo sheegay in sideed maleeshiyo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow Kismaayo

Sawirka: Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn diyaaradeed ku dileen sideed maleeshiyo Al-Shabaab ah dabayaaqadii asbuucii lasoo dhaafay, taasoo lala beegsaday gaari meel 30 mayl dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Bayaan ay gelinkii dambe shalay oo Isniin ahayd soo saareen Taliska Mareykanka ee Afrika ayay ku sheegeen in sideeda maleeshiyo la dilay hal gaarina la burburiyay, mana aysan jirin waxa shacab ah oo khasaare kasoo gaaray weerarkaas.

Ugu dambeyn, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa bayaanka ku sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada lagu bartilmaameedsanayo argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*