Ciidamada ayaa loo wareejin doonaa saldhigyo kale oo oo kuyaala Geeska Afrika, oo aan la sheegin magacooda, sida ay sheegtay Bloomberg.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishaan amar ku bixiyay in inta badan ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan Soomaaliya horaanta 2021.
Ku dhawaad 700 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaas Dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjiriinta sida Al-Shabaab iyo Daacish.