“Ciidamada huwanta ah waxay saakaydii hore u dhaqaaqeen sidii ay u qabsan lahaayeen meelaha aan la xoreyn,” Janaraal Abdul-Amir Yarallah oo ah taliyaha howlgalka milatariga Mowsil ayaa sidaa ku sheegay bayaan.
Tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii, ciidamada Ciraaq ayaa waday howlgalo milatari oo maleeshiyada Daacish looga sifeynayo magaalada Mowsil, taasoo ah meeshii ugu dambaysay oo Daacish ay ku xooganytahay gudaha dalka Ciraaq.