Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo qaabilay wefdi ka socday dalka Jarmalka

Wefdi Jarmal ah
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo wefdiga Jarmalka ka socday ku qaabilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya  ku qaabilay wefdi ka socday dalka Jarmalka.

Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminayay agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibada dalka Jarmalka u qaabilsan wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika, Georg Schmidt.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdiga Jarmalka ka socday ayaa ka wadahadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal, doorashooyinka dalka ka dhacaya dhawaan iyo arrimo kale oo badan.

Georg Schmidt, ayaa sheegay in dalka Jarmalka uu door ka ciyaari doono sidii Soomaaliya ay markale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Ugu dambayna Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wefdiga faray in ay salaan ka gaarsiiyaan raysulwasaaraha dalka Jarmalka, Angela Merkel, iyo shacab weynaha Jarmalka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*