Shirkada CCEECC oo dayactir ku samayn doonta wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso

Madaxweyne Deni oo kulan xarunta madaxtooyada kula yeeshay masuuliyiin ka socda shirkada CCECC. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirkada Shiinaha laga leeyahay ee CCECC ayaa dayactir ku samayn doonta wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socota shirkada CCECC waxaana la isku afgartay in dayactirka wadada la bilaabi doono bisha soo socota, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Wadada ayaa waxyeelo weyn ka soo gaartay daad ka dhashay xilli roobaadkii Gu’ga ee sanadkan 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*