Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka digay muddo kororsi la xiriirta doorashooyinka soo socda

Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka digay muddo kororsi la xiriirta doorashooyinka soo socda.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur,” sidaas ayuu ku yiri war-saxaafadeed, kadib kulan ku saabsan doorashooyinka soo socda oo golaha wasiiraddu maanta oo Khamiis ah ay ku yeesheen Muqdisho.

Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo asbuucayadii u dambeysay ay xubnaha mucaaradka ah ku eedeynayeen dowladda hadda jirta in ay dooneyso in ay dib u dhigto doorashooyinka soo socda ayna sameyso muddo lku darsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*