Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo lagu aasay Garoowe

Salaada jinaasada guddoomiyihii gobolka Nugaal. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii gobolka Nugaal ayaa maanta oo Isniin ah lagu aasay qabuuro kuyaala magaalada Garoowe.

Cabdisalaam Xasan Xirsi oo loo yaqiin Gujir ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu beegsaday gudaha magaalada Garoowe fiidnimadii Axada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo labo madaxweyne oo kale ayaa ka qeybgalay munaasibad aas ah oo loo sameeyay guddoomiyaha.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, oo ay ku dhaawaacmeen ilaa labo qof oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*