Wasiirka cusub ee maaliyadda DFS oo xilka la wareegay

Wasiirkii hore ee maaliyadda oo xilka ku wareejinaya wasiirka cusub Cilmi. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka cusub ee maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta oo Talaado xilka kala wareegay wasiirkii hore Cabdiraxmaan Bayle Ducaale, iyadoo uu goobjoog ahaa Raysulwasaare Xamsa Cabdi Barre.

Bayle ayaa xilka soo hayay tan iyo April 2017 markii uu xilka la wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Intii uu xafiiska joogay Bayle, miisaaniyadda dalka ayaa kor u kacday waxaana tilaabo horey loogu qaaday hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay haayadaha caalamiga ah ee maaliyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*