Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo meelmariyay dib u eegista miisaaniyada 2019

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah meelmariyay dib u eegis lagu sameeyay miisaaniyada 2019, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

118 ayaa aqbashay, 15 ayaa diiday, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Miisaaniyada 2019 ayaa dib u eegis ay ansixiyeen golaha wasiirada lagu sameeyay bishii September kadib markii koror ku yimid ku talogalka hore oo ahaa $344 milyan balse markii dambe noqday $390 milyan, sida uu sheegay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Bayle Ducaale.

Xilligan, baarlamaanka ayaa gacanta ku haya miisaaniyada 2020 taasoo lagu qiyaasay $460 milyan, waxayna muujinaysaa siyaado dhan 18% marka la barbardhigo sanadkii 2019.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*