Sargaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Gedo

alshabab

Garbahaarey-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab oo magaciisa la dhaho Cabdullaahi Xaashi Ciiro ayaa shalay oo Isniin ahayd isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in sargaalka isa-soo dhiibay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa canshuuraha ee qeybta Tuulo-barwaaqo oo ku dhow magaalada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo.

Kahor inta uusan is-dhiibin sargaalka ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray haaydaha dowladda ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ma jirto jawaab ka timid ururka hubaysan ee Al-Shabaab oo ku saabsan is-dhiibida sargaalkaas.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*