Askari katirsan ilaalada madaxtooyada Puntland oo dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ku dileen magaalada Gaalkacyo

Ilaalada madaxtooyada Puntland oo dhexmaraya magaalada Gaalkacyo. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Gaalkacyo–(Puntland Mirror) Askari katirsan ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa waxaa dilay niman hubaysan oo aan la aqoon haybtooda xalay oo Jimce ahayd fiidkii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Ninka la dilay ayaa la oran jiray Axmed Xasan Maxamed oo loo yaqaan (Gaandi), sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Sarkaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Gaandi lagu dilay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Gacan ku dhiiglayaashii ayaa goobta ka baxsaday toogashada kadib, sida dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijiyeen Puntland Mirror.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegtay in ay iyagu ka dambeeyaan dilka askariga katirsan ilaalada madaxtooyada.

Ciidamada ammaanka Puntland ee Gaalkacyo jooga ayaa baaraya kuwa ka dambeeyay dilka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*