![Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sargaal sare oo Al-Shabaab katirsanaa ku dilay gudaha gobolka Gedo. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/01/Al-Shabab-officer.jpg)
Waxaa la dhihi jirey sargaalka la dilay Cabdullaahi Khannaas kaasoo ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Gedo.
Dilka ayaa ka dhacay xalay oo Axad ahayd gudaha Tuulada Tuulo-barwaaqo kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen kolonyo maleeshiyo Al-Shabaab ah kuwaasoo ku sii jeeday xero tababar oo halkaas kutaala, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.
Tuulo-barwaaqo ayaa qiyaastii 18 km u jirta magaalada Garbaahrey, ee xarunta gobolka Gedo.
Intii lagu guda jirey sanadadii u dambeeyay ee lasoo dhaafay, saraakiil sare oo Al-Shabaab katirsanaa ayaa lagu dilay duqeyn ee geysteen Mareykanku iyo weeraro ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
