Dowlad goboleedka Jubbaland oo ku baaqday in wasiirkeeda amniga loo sii daayo si deg-deg ah

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Axad ah walaac uga muujisay xiritaanka wasiirkeeda amniga Cabdirashiid Xasan Nuur kaasoo Sabtidii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Jubbaland ayaa ku tilmaamtay xariga mid xadgudub ah oo loo geystay wasiirka xilli uu safar shaqo ku marayay halkaas.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Jubbaland ay ugu baaqday cid walba oo ku lug lahayd xariga ka dhanka ah wasiirkooda in ay si deg-deg ah ugu soo celiyaan xoriyadiisa.

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan ayaa shalay oo Sabti ahayd lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada booliiska dowladda federaalka Soomaaliya Sakiya Xuseen, iyada oo intaas ku dartay in Janan uu ku eedaysanyahay dambiyo culus, kiiskiisana ay hadda baarayaan ciidanka booliiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*