Isutaga Imaaraatka Carabta oo saldhig milatari ka samaysanaya xeebta Berbera ee maamulka Somaliland

Isutaga Imaaraatka Carabta oo saldhig milatari ka samaysanaya xeebta Berbera ee maamulka Somaliland. [Sawirka: Archive]
Isutaga Imaaraatka Carabta oo saldhig milatari ka samaysanaya xeebta Berbera ee maamulka Somaliland. [Sawirka: Archive]
Dubai-(Puntland Mirror) Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa saxiixay heshiis ah in uu saldhig milatari ka samaysto maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Saldhiga milatari oo cusub ayaa laga dhisi doonaa magaalo xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, sida uu qoray website-ka arrimaha ammaanka ka hadla ee Shepard Media oo soo xiganaya ilo-wareedyo goobjoog ka ahaa heshiiska.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen waxaa heshiis is-afgarad oo lagu dhisayo saldhiga lagu gaaray dalka Imaaraatka Carabta bishii lasoo dhaafay ee September, waxaana kala saxiixday wefdi sare oo ka socday Somaliland iyo Imaaraatka.

Bilowgii sanadkan ayaa shirkada Dubai ports World, waxay heshiis lagu balaarinayo dekada Berbera la gashay maamulka Somaliland, heshiiska oo soconaya muddo 30-sano ah ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale gaaraya $442 million.

Somaliland oo sheegta in ay ka goday Soomaaliya sanadkii 1991-dii, ayaan wali aqoonsi ka helin caalamka.

Sida ay sheegayaan khuburada arrimaha ammaanka falaanqeeya, saldhiga ayaa noqonaya kan labaad oo Imaaraatku ku leeyahay qaarada Afrika, halka kan kowaad uu kuyaalo dalka Eritrea.

Imaaraatka ayaa wixii ka dambeeyay kacdoomadii Guga Carabta iyo soo ifbixii kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Daacish diirada saaray in uu isku balaariyo xeebaha kuyaala qaarada Afrika gaar ahaan Badda Cas, si uu ammaankiisa uga sugo meelahaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*