Muqdisho-(Puntland Mirror) Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa shaaciyay inuu soo gabagabeeyay xilkii uu tan iyo Maarso 2024 ka hayay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, isagoo u ambabaxaya goobtiisa cusub ee shaqo ee magaalada Skopje.
Farriin sagootin ah oo uu u diray shacabka Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan Soomaaliya, ayuu Aktaş ku sheegay in ay sharaf iyo farxad weyn u ahayd inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka dhinacyada badan leh ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.
Safiirku wuxuu xusay in muddadii uu xilka hayay isaga iyo kooxdiisu ay ka shaqeeyeen iskaashiga labada dal, isagoo sheegay in hawlaha Turkigu ka fuliyo Soomaaliya ay ku dhisan yihiin mabda’a caddaaladda, is-ixtiraamka, sinnaanta iyo in qofka bani’aadamka ah udub-dhexaad u noqdo horumarka.
Aktaş ayaa tilmaamay in Turkigu door firfircoon ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, caafimaadka, gargaarka bani’aadannimo iyo kobcinta awoodaha farsamo.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta dhinacyo badan ka horumarsan tahay halkii ay hore uga jirtay, isla markaana ay si kalsooni leh ugu socoto waddada horumarka. Wuxuu tusaale u soo qaatay soo kabashada nolosha magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale, iyo jawiga nabadda iyo xasilloonida ee uu sheegay in horumar laga sameeyay.
Safiirka ayaa sidoo kale xusay kobaca maalgashiga, fursadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo horumarka laga sameeyay dhaqaalaha buluugga ah, shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo uu sheegay inay sare u qaadeen rajada dhallinyarada Soomaaliyeed.
Intii uu xilka hayay, ayuu sheegay inuu arkay ka-qaybgal dimuqraadiyadeed oo ballaaran oo ka hanaqaaday Soomaaliya, kaas oo Turkigu sidoo kale taageeray.
Aktaş wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu sii wadi doono taageerada uu siiyo midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Isagoo xusay in sanadkan la xusayo 60-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya, ayuu sheegay inuu aaminsan yahay in xiriirka labada dal uu sii xoogeysan doono, isagoo ku dhisan xiriirkooda taariikhiga ah, isku-xirka labada shacab iyo wadaagga dhaqameed.
Ugu dambayn, Aktaş ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed martigelinta, soo dhoweynta iyo kalgacalka ay u muujiyeen isaga, qoyskiisa iyo asxaabtiisa shaqada.
“Intii aan joogay Soomaaliya, mar walba waxaan dareemaynay inaan gurigeenna joogno,” ayuu ku yiri farriintiisa sagootinta.
