Puntland oo toogasho ku fulisay 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Xubnaha la toogtay oo maxkamada ka muuqanaya. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo Al-Shabaab ah kuwaasoo lagu helay dilal ka dhacay Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

18 kamid ah ayaa lagu toogtay Gaalkacyo, labbona Garoowe, halka mid kale lagu toogtay Qardho, sida ilo-wareedyo katirsan ciidamada ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Xubha Al-Shabaabka ahaa ee la toogtay ayaa katirsanaa garabka amniyaatka maleeshiyada u qaabilsan dilalka khaarajinta ah. Maxkamada ciidamada ayaa bishii lasoo dhaafay xubnaha ku xukuntay dil toogasho ah.

Waxay noqon tiradii ugu badnayd oo xubno Al-Shabaab ah oo hal mar lagu toogto gudaha Soomaaliya. Puntland oo marar hore oo badan toogasho ku fulisay xubno Al-Shabaab ah ayaa 13 xubnood toogatay sanadkii 2013.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida ayaa kacdoonkeeda gudaha Soomaaliya bilowday sanadkii 2006.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*