Al-Shabaab oo weli dakhli badan ka hesha dhoofinta dhuxusha

Dhuxul laga dhoofinayo dekada Kismaayo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Al-Shabaab ayaa si wada in ay dakhli weyn ka hesho dhuxusha laga dhoofiyo koonfurta Soomaaliya inkasta oo Midowga Afrika ay saldhigyo ciidan ku leeyihiin meelaha laga dhoofiyo, sida lagu sheegay warbixin ay asbuucaan sii daayeen kooxda dabagalka Qarmada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eriteeriya.

Meelaha dhuxusha laga dhoofiyo ayaa kala ah xeebaha Kismaayo iyo Buur Gaabo kuwaasoo ay joogaan ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka Midowga Afrika (Amisom) ee Soomaaliya, sida lagu xusay warbixinta.

Amisom ayaan caawin kormeerayaal ka socday kooxda dabagalka Qaramada Midoobay markii ay isku dayeen in ay baaraan bakhaarada dhuxusha iyo dekada Kismaayo bishii July ee sanadkan, ayaa lagu tilmaamay warbixinta.

Al-Shabaab ayaa ka hesha lacag canshuur ah oo dhan $7.5 milyan bar-kantaroolo kuyaala gobolada Jubbad dhexe iyo Jubbada Hoose, sida ay sheegeen kooxda dabagalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eriteeriya.

Faa’iidada dhuxusha darteed, Al-Shabaab ayaa sameysa in ka badan dakhliga ay u baahantahay si uu u sii jiro halgankeeda, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Qiyaas dhan saddex milyan oo kiish oo dhuxul ah ayaa laga dhoofiyay Soomaaliya sanadkii tagay, taasoo ka dhigaysa kharashka dhuxushaa ka soo baxda $150 milyan sanad walba, iyada oo jumlo ahaan halkii kiishba lagu iibiyay $50 dollar gudaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, oo ah meesha ugu weyn ee loo suuq geeyo.

Kooxo dambiilayaal ah oo fadhigoodu yahay Dubai iyo Kismaayo ayaa hela saamiga ugu badan ee lacagtaas, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhoofinta dhuxusha ka timaata Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen sanadkii 2012-kii, iyadoo la fiirinayo saameynta burbur ee deegaanka, iyo dhaqaalaha ay maleeshiyada Al-Shabaab ka helaan ganacsiga dhuxusha.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*