Maxamed Yaasiin Axmed oo loo doortay duqa Gaalkacyo

Tumay
Duqa cusub ee Gaalkacyo Maxamed Yaasiin Axmed “Tumay” .

Garowe-(Puntland Mirror) Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa u doortay Maxamed Yaasiin Axmed “Tumay” duqa cusub ee magaalada.

Mr. Tumay ayaa ku gaaracay tartamihiisii ugu dhowaa Deeq Maxamuud Xaashi 24 cod intii lagu guda jiray wareega ugu dambeeya cod-bixinta.

Wareega saddexaad ayuu duqa cusub helay 24 cod, halka Deeq Maxamuud Xaashi uu helay 7 cod.

Waxaa doorashada ka qayb galay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, xubno baarlamaanka ah, wasiiro iyo odayaasha dhaqanka oo iyagu soo xulay xubnaha golaha deegaanka ee wax doortay.

8-dii bishaan Juulay ayaa Madaxweynaha Puntland kala diray golahii deegaanka hore ee Gaalkacyo kadib waxqabad xumo lagu eedeeyay, wuxuuna guddoomiye ku meel gaara ah u magacaabay Maxamed Yaasiin Axmed oo maanta si rasmiya loogu doortay duqa degmada.

Tumay waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah wuxuuna lasoo shaqeeyay xukumadii dowladii ku-meel gaarka ahayd ee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusf Axmed wuxuuna kasoo shaqeeyay xafiiska madaxtooyada, kadibna wuxuu xoghaye kasoo noqday safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*