Bankiga Adduunka oo $137.5 milyan u ansixiyay Soomaaliya oo wax looga qabanayo COVID-19, daadadka, iyo abaarta

Bankiga Adduunka. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Bankiga Adduunka ayaa Jimcadii ansixiyay $137.5 milyan uu ugu talogalay in lagu caawiyo Soomaaliya si ay uga jawaabto ugana soo kabato dhibbaatooyinka badan.

Iyadoo ay sanado badan soo noq-noqonayaan fatahaado iyo abaaro, dhibbaatada ayaxa oo halis gelinaya cunada, iyo sidoo kale cudurka COVID-19, ayaa dhammaantood waxay saameyn daran ku yeesheen nolosha iyo hab-nololeedka dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo 70 boqolkiiba ay yihiin sabool, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.

“Mashruuca Jawaab celinta Dhibaatada Soomaaliya (SCRP) wuxuu siin doonaa taageero deg deg ah meelaha ay dhibaatadu ka dhacday iyadoo lagu taageerayo dib u soo kabashada habnololeedka iyo kaabayaasha fatahaadaha iyo aagagga ay abaartu saameysey sidoo kale waxay sii xoojin doontaa nidaamyada dowladda iyo awoodda loogu diyaar garoobo masiibada.” Sidaas ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle Ducaale ayaa boggaadiyay dhaqaalaha uu Bankiga Adduunka ansixiyay.

“Mashruucu wuxuu xoojinayaa hoggaaminta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka ee ku wajahan soo kabashada waarta iyo adkeysiga ka soo kabashada dhibaatooyinka badan ee dalka ka dhacay taasoo lamid ah in ay sii xoojinayso kalsoonida shacabka ee dowladnimada,” ayuu yiri wasiir Bayle, waxaana uu intaas ku daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa mashruucan inuu yahay fursad muhiim ah oo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo kala guurka horumarinta bina-aadamnimada iyo sal u dhiga aasaasidda hirgelinta maalgashiga muddada dheer ee soo kabashada iyo horumarka dalka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*