Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Indonesia Arrmanatha Nasir ayaa wariyeyaasha u sheegay in Indonesia ay ka codsan doonto beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay in la sameeyo ciidamo si ay u ilaaliyaan Al-aqsa.
Afhayeenka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Indonesia Retno Marsudi uu codsiga ka jeedin doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo Talaadada soo socota ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Indonesia ayaa ah dalka ugu dadka badan wadamada Muslimiinta.