Doha-(Puntland Mirror) Qatar ayaa kala baxaysa ciidamadeeda xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eriteeriya, halkaas oo ay dhexdhexaadin ahaan ugu joogtay muranka xadka ee ka dhaxeeya labadaas dal, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Qatar maanta oo Arbaco ah.
Ma aysan sheegin sababta keentay bixitaanka balse tilaabada ayaa imaanaysa iyada oo Qatar ay wajahayso dhibaato diblomaasiyadeed oo kaga timid dowladaha Khaliijka ee ay dariska yihiin, kuwaaso oo xiriirka u jaray asbuuc kahor, iyaga oo ku eedeeyay in Qatar ay taageerto maleeshiyaadka argagixisada ah iyo Iran, balse Qatar ayaa si xoogan u beenisay eedahaas.
Lama yaqaan inta ay yihiin tirada ciidamada ee Qatar ka joogay xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eriteeriya.
Qatar ayaa ku wargelisay dowladda Jabuuti la bixitaanka ciidamadeeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada Qatar.
Dalka yar ee kuyaala Geeska Afrika ee Jabuuti ayaa kamid ah dalal taageeray xulufada Sucuudiga oo hoos u dhigay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Qatar.
Be the first to comment