Gobolada sida Nugaal, Mudug, Karkaar iyo Sool ayaa helay roobab fiican, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dadka ayaa soo dhaweeyay roobka sida mid kamid ah xoolo dhaqatada uu khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror.
“Waxaanu ku faraxsanahay in ugu dambayntii ay roobabkii yimaadeen sababtoo ah waxaa na waxyeeshay abaar aad u daran, oo naga dhammeysay xoolihii.” Ayuu yiri mid kamid ah xoolo dhaqatada.
Intii lagu guda jiray maalmihii dhawaa ee laga soo gudbay, cimilada ayaa ahayd mid kulul oo qalayl ah gudaha gobolada Puntland sidoo kale cirka ayaa waxaa saarnaa daruur roobaadyo.
Horaantii asbuucaan, Haayada Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyin ee Puntland (HADMA) ayaa uga digtay dadka reer guuraaga ah in ay xoolahooda jiriyaan iyadoo la filayo in roobab mahiigaan ah ay ka da’aan qaybo kamid ah Puntland maalmaha soo socda.