Xubin deegaan oo aan khibrad lahayn oo sheegay in uu u tartamayo duqa Garoowe

Axmed Abshir Surato, oo loo yaqaan Bakuuke. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mid kamid ah golaha deegaanka cusub ee dhawaan lasoo doortay ayaa hadda doonaya in uu u tartamo duqa Garoowe.

Axmed Abshir Surato, oo loo yaqaan Bakuuke, ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in uu u tartamayo duqa magaalada.

“Waxaan ahay musharax duqa degmada Garoowe, waxaan rajeynayaa in aan guul ka gaaro doorshada dhici doonta dabayaaqada bisha 8aad,” ayuu yiri.

Bakuuke, oo siyaasadda ku cusub, waa macalin katirsan jaamacada maxaliga ah ee Puntland State University.

Waxa uu balanqaaday in uu kor u qaadi doono waxbrashada iyo dhaqaalaha, hagaajin doono ammaanka, uuna la dagaalami doono musuqmaasuqa.

Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, Mr. Bakuuke ayaa beeshiisu u soo xushay xubin katirsan golaha deegaanka si ay ugu ogolaato in uu u tartamo duqa. Doorashada xubnaha golaha deegaanka oo kusaleysan qaab-qeybsi beeleed ayaa weli socota, inkastoo intoodii badneyd lasoo dhammeeyay.

Doorashada soo socota

Doorashada duqa Garoowe ayaa la filayay in la qabto dabayaaqada bisha Agoosto, balse waxaa laga yaabaa in ay dib u dhacdo ilaa bisha September, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Axmed Maxamed Ducaale ayaa ahaa duqa ku meelgaarka ah ee magaalada tan iyo bishii April ee sanadkan, markaas oo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu soo saaray digreeto uu ku kala diray golihii deegaanka iyo duqii.

Duqa ku meelgaarka ah ee magaalada Garoowe, ayaa ka haray tartanka doorashada soo socota ee degmada, isaga oo ku andacooday sababo kala duwan, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka ag dhow isaga ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*