84 qof oo Soomaai ah oo laga soo masaafuriyay Mareykanka oo yimid Muqdisho

Dadka lasoo masaafuriyay oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho Jimcadii. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo diyaaradood oo sida 84 qof oo Soomaali ah ayaa Jimcadii soo gaaray magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Dadka ayaa laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo soo masaafuriyay dadkaas, balse masuuliyiinta ayaa sheegaysa in dadka loo diiday magangalyo raadintooda Mareykanka ama ay dambiyo galeen.

Ku dhawaad 275 qof oo Soomaali ah ayaa si lamid ah Mareykanka looga soo masaafuriyay sanadkii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*