Guddoomiyihii baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo is-casilay

Cabdirisaaq Khaliif. [Sawir Hore]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii baarlamaanka maamulka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa iska-casilay xilkii galabta oo Axad ah, sidoo kale waxa uu isca-casilay xubinimadiisii xisbiga Wadani.

Cabdirisaaq ayaa is-casiladiisa kaga dhawaaqay magaalada Laascaanood halkaas oo tan iyo bishii Febaraayo uu ku sugnaa, markaas oo uu dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeya ciidamada SSC-Khatumo iyo Somaliland ka qarxay.

Guddoomiyihii hore kaasoo ahaa booska saddexaad ee ugu sareeya maamulka Somaliland ayaa horey u sheegay in uu la dareen yahay dadkiisa, oo ay xasuuq u geysatay maamulka Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa gabi ahaanba Laascaanood laga saaray kadib dagaalo dhiig badan ku daatay, balse weli labada ciidan ayaa isku horfadhiya duleedka magaalada gaar ahaan Goojacade oo ah saldhiga ugu weyn ee Somaliland gobolka Sool ku leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*