
Jamaal Xasan Farey, oo ah sargaal sare oo katirsan ciidamada Jubbaland ayaa maanta oo Talaado ah warbaahinta u sheegay in iyagu ay weerar culus ku qaadeen Al-Shabaab ku sugan meel u dhow deegaanka Geedweyne ee gobolka Gedo.
“Waxaa naga dhintay shan askari todobo kalena waa ay naga dhaawacmeen intii uu socday dagaalku. Waxaanu dilnay 11 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab waxaana ka qabsanay hub,” ayuu yiri sargaalku.
Farey ayaa sheegay in dagaalku uu yimid kadib markii ay heleen xog tilmaamaysa in maleeshiyada Al-Shabaab ay qorsheynayeen in ay weerar ku soo qaadaan ciidamada Jubbaland balse ay uga jawaabeen si dhaqso ah ayna iyaga weerareen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarku uu ahaa mid culus oo socday dhowr saacadood.
Warar madax-banaan ayaa sheegaya in sargaal katirsan ciidamada Jubbaland uu ku jiro dadka ku dhintay dagaalka.