Xisaabiye xarun ganacsi oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Xisaabiye xarun ganacsi oo kutaala Boosaaso ayaa la dilay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Axmed Cali Dalaq kaasoo ahaa xisaabiyaha xarunta ganacsiga Saabir ayaa niman aan la garaneyn oo baastoolado wada ku khaarajiyeen magaalada Boosaaso maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Nimanka hubeysan ayaa kadib goobta ka baxsaday, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Labo qof oo kale oo la socday ninka la dilay ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Tirada dilalka ka dhanka ah ganacsatada ku sugan magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa korortay tan iyo sanadkii 2017.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada dilka, balse maleeshiyooyinka sida Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka howlgala gobolka.

Labada maleeshiyo ayaa canshuur ku rogay ganacsatada ku sugan magaalada, sida ilo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*