Ciidamo Puntland ah. [Sawirka: Archive]
Tan iyo markii la doortay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali bishii Janaayo ee sanadkii 2014-kii ciidamada Puntland ayaa waxaa soo foodsaartay daryeel la’aan ay kamidtahay mushahaar la’aan balaaran.

Xukuumada Cabdiweli waxay nasiib u yeelatay in ay dhaxasho ciidamo dhisan oo ay u dhamaystirnaayeen qalabkoodii, taasoo aysan nasiib u yeelan xukuumadii ka horaysay ee Faroole oo dhaxashay nidaam aan lahayn ciidan boolis iyo ciidamada qalabka-sida oo kala tagay misna aan lahayn sahay, iyo hoggaan ammarka kala qaata.

Bartamihii sanadkii 2015-ka, waxaa soo baxay khilaafkii ugu horeeyay ee u dhaxeeyay ciidamada Puntland gaar ahaan ciidamo uu hoggaaminayay taliye ku xigeenkii hore ee booliiska Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse iyo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali. Ciidamada ayaa sameeyay gadoodkii ugu horeeyay tan iyo markii madaxweyne Cabdiweli uu xafiiska qabtay.

Isla wakhtigaas, Janaraal Muxiyadiin oo wareysi gaar ah siiyay idaacada laanta Afsoomaaliga ee BBC ayaa sheegay in sababta keentay in ay gadood sameeyaan ay tahay muddo sanad ka badan oo xukuumada Cabdiweli jirtay oo aan wax xuquuuq ah la siin.

“Sababta aan u gadoodnay waxa weeye xuquuq la’aan…. ciidamada Puntland oo dhan baa gadoodsan, ciidamadu muddo sanad iyo dhowr bilood ah wax xuquuq ah, wax mushahaar ah, wax gunno ah iyo wax raashin ah ma helin.” Ayuu yiri Janaraal Muxiyadiin.

Ciidankii uu Muxiyadiin watay ayaa walaac ku keenay amaanka Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal, ciidamada ayaa fariisimo ka samaystay deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal, iyadoo ay dowladu ciidamo u dirtay halkaas oo muddo la isku hor fadhiyay, taasoo qarka u fuushay in labada ciidan ay isku dhacaan.

Sidoo kale waxaa gadoodkaas ku waheliyay ciidamada Muxiyadiin taliyihii hore ee ciidamada PIA-da  Cabdi Xasan Xuseen (Cabdiyare) oo watay ciidamo badan oo katirsanaa PIA-da.

Kadib markii ay dowlada madaxweyne Cabdiweli ku fashilmatay in ay wax ka qabato cabashada ciidamada, ayaa dadaalo dheer oo ay dhex-dhexaad ka ahaayeen isimada, culumada, iyo wax-garadka Puntland lagu soo afjaray gadoodkii ciidamada oo muddo dhowr bil ah taagnayd.

Sidoo kale waxaa dhex-dhexaadinta qayb weyn ka qaatay Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Bartamihii bishii September sanadkii 2015-ka waxaa gadood Boosaaso ka sameeyay ciidamo katirsan Puntland gaar ahaan kuwa birmadka, ciidamada ayaa maalintaas xiray kantaroolka laga galo magaalada, ciidanka ayaa ka cabanayay mushahaar la’aan si lamid ah kuwa gadoodka ka sameeyay gobolka Nugaal.

Xukuumada Cabdiweli ayaa xilligaas waxaa soo foodsaartay caqabadihii ugu waa-weynaa iyadoo xukuumada ay markaas xilka haysay muddo sanad iyo bar ah.

Bartamihii bishii Juun ee sanadkan 2016-ka ayaa iyana magaalada Gaakacyo waxaa gadood ka sameeyay ciidamada laanta canshuurta, ciidamada ayaa xoog kula wareegay xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in muddo sanad ah aysan wax mushahaar ah helin.

Gadoodkii ugu dambeeyay oo ahaa gadoodkii afraad oo ciidamada sameeyaan ayaa dhacay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee September, tan iyo markii uu xukunka la wareegay madaxweynaha hadda jooga ee Cabdiweli. Ciidamo katirsan kuwa nabadsugida ee PIA-da ayaa qabsaday xarunta Bangiga dhexe Puntland ee Garoowe, ciidanka ayaa sheegay in muddo 10 bilood ah aysan helin wax mushahaar ah.

Daryeel la’aantaas balaaran ayaa ciidamada ku keentay niyad-jab iyo kala firdhisanaaan.

 Maxaa ka dhashay daryeel la’aanta ciidamada?

Dowlad waxa ay ku dhisantahay kuna heli kartaa nabadgalyo ay dadkeedu ku noolaadaan waa ciidan, haddii ay ciidamadu daryeel waayaana waxaa dhici karta in nabadgalyada guud la waayo, ciidankuna ay ku biiraan cidii ay dantooda gaarka ah ka helayaan.

Daryeel la’aanta ciidamada Puntland ku dhacday muddooyinkii u dambeeyay ayaa keentay in qaybo ka mid ah ciidamada loo adeegsado howlgalo gaar ah, sida baaritaan uu sameeyay warsidaha Puntland Mirror uu ku ogaaday.

Qaybo kamid ah ciidamada ayaa loo adeegsaday arrimo ka dhan ah waajibaadkooda iyagoo looga faa’idaysanayo darxumada iyo daryeel la’aanta haysata.

Puntland Mirror ayaa ogaaday in howlgalo gaar ah ay shaqsiyaad aan dowlada ku jirin ay u adeegsadaaan ciidamada daryeel la’aanta haysato ee Puntland.

Bishii lasoo dhaafay ee Maarso sanadkan 2016-ka waxaa xeebaha Puntland ee gobolada Nugaal iyo Mudug weerar kusoo qaaday maleeshiyaad boqolaal ah oo Al-Shabaab ahaa.

Weerarkaas waxaa uu mideeyay ciidamada aan daryeelka haysan iyo madaxtooyada aaan daryeelin, ciidamada Puntland waxay maalmo kooban ku qaadatay in maleeshiyaadkii badnaa oo hubaysnaa ee Al-Shabaab ka socday ay kusoo afjaraan.

Waxay ciidamada dagaalkaas ku dileen ku dhawaad 200 oo maleeshiyaad Al-Shabaab ahaa in ka badan 100 kalena waxa ay ku qabteen nolol.

Ciidamada Puntland inkastoo aysan daryeel fiican ka helin dowlada Cabdiweli, haddana waxay taageero naf iyo maalba leh ay ka heleen shacabkooda dhiiran ee reer Puntland oo miyi, magaalo iyo dibadba taageero la garab istaagay ciidamadooda.

Waxayna ciidamada muujiyeen in midnimada ay muhiim tahay ayna mar walba diyaar u yihiin baahi iyo dheregba in ay dhiigooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.

Waxaa xusid mudan in ciidamadii ku dhaawacmay iyo kuwii ku shahiiday dagaalkaas aysan taageero rasmi ah ka helin dowlada hadda talada haysa, sida Puntland Mirror ogsoonyahay.

Ugu dambayna ciidamada ayaa ku kala firdhisan magaalooyinka waa-weyn ee Puntland, walina waxa ay la daalaa-dhacayaan daryeel la’aan, taasoo keeni karta in ciidamada ay adeegsadaan dad dano gaar ah leh sida calooshood u shaqaystayaal kuwaasoo ciidamada u adeegsanaya ujeedooyinkooda gaarka ah.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa baaritaankiisa ku ogaaday in dhacdooyin ka dhacay Puntland dhawaan gaar ahaan caasimada Garoowe ay dad ganacsato ah oo siyaasada ku lug leh ay u adeegsadeen ciidamada dano gaar ah.

Dhacdadii ugu dambaysay ayaa 30-kii bishii Oktoobar, 2016 ka dhacday meel u dhaxaysa tuulada Kalabayr iyo magaalada Garoowe, waxaana dhacdadaas ku dhintay mid kamid askarta ciidamada Puntland kaasoo kamid ahaa ciidamo loo adeegsaday in khatar lagu galiyo shakhsi Puntland magac iyo maamuus ku leh.

Khabiir dhanka amaanka ku xeeldheer oo magaciisa u qariyay arrimo gaar ah ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror in daryeel la’aanta ciidamada haysata ay gobolka ku keeni karto xasilooni daro sababi karta isku dhacyo bulshada dhexdeeda ah.

“Daryeel la’aanta muuqata ee ciidamada Puntland waxay sababi kartaa in ciidanka dano gaar ah ay ku fushadaan shakhsiyaad gaar ahi, kuwaasoo ka faa’iidaysanaya darxumada ay hadda la daalaa-dhacayaan. Waana arrin u baahan in si deg deg ah wax looga qabto oo ciidanka daryeel fiican ay dowlada siiso, haddii kale amaanka Puntland waa kasii xumaanayaa maanta meesha aynu joogno.” Ayuu yiri.

Si kastoo ay ahaataba, amnigu waa furaha nolosha muwaadin walba xuquuqdiisa waxaa ugu horeeya waa amniga waayo bulsho cabsi ku nool horumar ma gaarto.

(Warbixintan waxaa diyaariyay warsidaha Puntland Mirror)

Share this story about sharing

4 Comments

  1. Daahir yare says:

    Waa warbixin waafi ah oo ka hadlaysa in xukuumada madaxweyne Ina Cali Gaas ay darxunaysay ciidankii Puntland, isbadalkiisiina waxa uu noqday in boosro maalin walba u sii wato Muqdisho, ilaahay ha ina dhaafiyo kaas.

  2. Abdullahi Iro says:

    Wakhti baan gashay qoraalkaas Puntland Mirror, runtiina waa qoraal miisaaman oo runta ka hadlaya waa mahadsantihiin, waa dhab in ciidamada lagu fushanayo dano gaar oo dad aan dowlada ku jirin intay lavag siiyaan waxay rabaan ku samaysanaya, taasii maanta waa ay ka jirtaa Puntland, anagu haddaanu nahay jaaliyada Puntand ee Maraykanka runtii aad baan uga welwel qabnaa waxa Cabdiweli iyo waxmagaratada la socota ay dalka ka sameeyeen intii madaxtooyada fadhiyeen, waxaa nasiib daro nagu ah in ciidamada ku dhaawacmay dagaaladii Al-Shabaab aysan wali taageero ka helin maamulka Cabdiweli ee caloosh u shaqaystaha ah oo kuranaya canshuurtii dalka.

  3. Xafso Cali. says:

    Cabdiweli Cali Gaas Puntland burburi, mar haddii ciidamadii burbureen oo mushahaar waayeen, wiilal xun xuna oo uu watana oo madaxtooyada ugu xaraysan uu siiyo kumanaan dollar ciidankiisiina mushahaar siin waayay waa nasiib-darada ku dhacday puntland intii uu xafiiska fadhiyay, faroole tagidiisii alle maxaa ciidanka caato ka qaateen, insha’alaah wakhtigiisuu waa dhamaanayaa, madaxweyne muwaadin ahna baanu ilaahay ka baryaynaa kani galbaye, waxa lagu xasuusan doonaa musuq-maauq, tabar daro, qabyaalad iyo qiimihii Puntland oo uu dhulka dhigay

    • Hassan Hersi Haji says:

      ASC.
      Dhamaan Puntland mirror iyo daalacdayaasha.
      Waan akhriyey Maqaalkiina, Waana maqaalo xiiso iyo dareen gooniya uu ku dheehan yahay. Waxaan ka dheehday maqaalkiina:
      1). In Puntland Abdiwali hortiis ay ahayd dawlad nidaam iyo ciidan xoogan leh.
      2). in Muxiyadiin iyo Abdiyare ka biyo diideen xuquuq la’aanta ciidanka
      Qodobadaas hadii aan wax ka dhaho:
      Puntland ciidan way lahayd wayna leedahay mana ahayn in Maxadwayne Faroole uu dhisay ee Puntland laga soo bilaabo Madaxwayne Abdullahi ilaa Gaas way dhisnaayeen ciidankoodu.
      Waxaase xusid mudan in Ciidanka uu Madaxwayne Faroole disay ay ahaayeen Askar Puntland iyo Madax ama Janano reer u wada dhashay, Ma ii sheegi kartaa janan Puntland hada xil ka haya oo aan qoyska M/W faroole ahayn.
      Jawaabtu waa Maya, Tusaale:
      A). Abdiyare oo ahaa taliyihii PIA puntland
      B). Muxiyadiin oo ahaa tali ku xigeen Police
      C). Sicid Dheere abaan duulaha Ciidamada Puntland
      D). Omar Farawayne oo ahaa taliyihii ciidamada madaxtoyada.
      intaasuba wa qoyska madaxwayne Faroole.
      Sidaas awgeed madaxwayne Faroole ma dhisin ciidan Qaran ee Maleeshiyo qabiil ayuu keenay, taas oo sababtay inay amar diido, Madax adayg iyo amni xumo hor leh sababaan maadaama Faroole madax tooyadii baneeyay.

      Sidoo kale Dawlada M/W Gaas: waxay xooga saartay dhinaca ciidanka khaasatan Galgala oo ahayd furin ciidan oo xiliyo badan aad looga baqayey waxaana ku dayasho mudan M/G oo booqday buurta Galgal iyo aagii laga xoreeyey maleeshiyaadkii Alshabaab iyo sidii geesinimada lahayd ee Puntland isaga caabisay Alshabaabki Suuj iyo Garacad.

      Wax yaabaha M/W Gaas uu wax ka qabtay:
      1_. Bilicda waxaan la ilaawi doonin wax qabadkii isku dheeli tirnaa ee aan magaalo iyo qoys jeclaysi midna ku salaysnayn ee M/W gaas qabtay;
      A). waxaa garowe laga dhisay wadooyin badan sida: tan islaan isse ee Newrays, Meeraysane, Bulsho, jidka 30ka, jidka Madaxtoyada, iyo wadajir
      B). Bosaso: Waxaa laga dhisay wadadii 12aad oo laamiya oo ay ugu caansan yihiin; 30, Madaxtoyada, Airport, Suuqa caanaha, wadada maka ilaa xeryo cawska, wadada Ps iyo huruuse.
      C). Galkacyo: waxa laga dhisay kaliya 4 laami oo kale ah Airport, Kuwiat, STG iyo Suuqa dayax.
      D). Waxaa la hirgaliyey Airpots caalami ah sida kan Bosaso iyo Garowe.
      E). waxaa dayactir lagu wadaa Airport-ka Galkacyo.
      F). Waxaa socoda dhismaha wadada ceel daahir iyo Ceerigaabo.
      G). Waxaa dayactir lagu wadaa wadada Bosaso ilaa Galkacyo.
      H). Waxaa meel fiican maraya Jaamacada caalamiga ah ee maakhir.
      I). Waxaa Socda mashruuca biyaha macaan ee Bosaso.
      J). waxaa lagu guda jiraa balaarinta Dekada bosaso.
      K). Waxaa la dhisat Suuqa Dayac Galkacyo oo hore u ahaa xero qashin.
      L). Waxaa dib loo soo ceshay hantidii umada ee dadku boobay.
      M). Waxaa la dhiiri galiyey kallumaysatada ayadoo la dhisay marsada kaluumaysiga ee Bosaso.
      N). Waxaa socda taaba galinta heshiiski dawlada imaaraadka ee dhisida wada Galkacyo iyo Garacad, Dekad u dhisida Garacad, Dhisida warshado kalluumaysi iyo keenida Talaagado waa wayn oo kallumaysatada looga faaiidaynayo.
      O). Waxaa la dhisay xarumo badan oo hoy u noqonaya wasaarada Puntland Hadii aad Garowe joogtid waxaad arki karaysaa habeenkii Kaaha ka baxa iyo bilicda Buurta oo ah halka madaxtooyada iyo Wasaaraduhu ay wada dagan yihiin.

      Waxaa xusid mudan in nidaamkii uu ka tagay M/W Faroole uu dhisay kana tagay wasaarad wasiirku uu ku yimid awood qaybsi halka inta kale shaqaalaha dawladu oo wada ahaa qoyska madawayne Faroole, Min Agaasime ilaa Nadiifiyo. Intaas waxaa dheer in haweenka xaafad jooga ah, Wiilasha dhalin yarada ah, iyo inta badan dadka Garowe ay gaadan jireen Mushaar aan sharci ahayn iyagoo ku qaadan jiray Magaca ciidan Qaran ee Puntland.
      Madaxwayne Faroole sidoo kale waxa uu hor istaagay Maalgashiga iyo Ganacsiga sida arintii Dabakhii Golis Bosaso ka dhistay ee Muddada 2sano ahaa u xayirnaa Garowe ka dhis.
      Sida Mashruucii Matxafka Galkacyo oo M/W Faroole u celiyey hadii aan Garowe laga dhisin socon maayaan.
      Sida Dadkii loo diiday Ganacsiga khaasatan Doobiga, Maqaaxiyaha iyo Hotelada oo qoyskiisu furteen sida Rugsan resturant iyo Hotelkiisa.

      Intaas iyo ka badan ayada oo uu M/W Gaas qabtay, Ma xaq baa in aragti daciif ah oo ku salaysan ina adeer, Nin jeclaysi, iyo Always ayl lagu mamnuuco

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up