Baarlamaanka DFS oo ka laabtay muddo kordhinta

Baarlamaanka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay maanta oo Sabti ah in ay ka laabtaan tilaabadii muddo kordhinta labbada sanno ahayd ee khilaafku ka dhashay oo ay ansixiyeen bishii lasoo dhaafay.

Go’aanka baarlamaanka ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu khudbad u jeediyay una sheegay in xalka dalka uu ku jiro heshiiskii 17-ka September ay gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Muddo kordhinta ay baarlamaanka meelmariyeen bishii lasoo dhaafay ayaa keentay khilaaf sababay in iska hor imaadyo ay ka dhacaan Muqdisho.

Farmaajo ayaa baarlamaanka u sheegay in Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono hanaanka hirgelinta iyo ammaanka doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*