Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal cusub oo rido gaaban

Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal cusub oo rido gaaban. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Seoul-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabisay gantaal kale, sida ay sheegeen milatariga Koonfurta Kuuriya.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in gantaalku uu ka tiiro gaabanyahay kuwa ay Waqooyiga Kuuriya tijaabisay saddexdii tijaabo ee u dambaysay.

Waxa uu imaanayaa asbuuc kadib markii Waqooyiga Kuuriya ay sheegtay in ay tijaabisay gantaal qaadi kara madax weyn oo nukleer ah.

Gantaalka la tijaabiyay ayaa dul maray 560km oo ku aadan badda Japan, sida ay sheegeen masuuliyiinta Koonfurta Kuuriya.

Waqooyiga Kuuriya ayaa aaminsan in ay sii wado dadaalada ay ku rabto in ay ku sameysato madaxyada qaada hubka wax gumaada ee nukleerka iyo in ay helaan gantaalo tiiro dheer oo awood u leh in ay gaaraan Mareykanka oo ah cadowgeeda kowaad ee caalamka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*