Walaalka hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo lagu dilay gudaha dalka Malaysia

Kim Jong-nam oo 40-sanno jir ahaa ayaa dhanka aabaha walaal kala ahaa hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un. [Xuquuqda Sawirka: AFP]
Kuala Lumpur.-(Puntland Mirror) Walaalka dhanka aabaha ee hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa lagu dilay gudaha caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Booliiska Malaysia ayaa sheegay in nin Kuuriyaan ah oo garoonka ku sugayay duulimaad uu xanuun la dhacay Isniintii shalay uuna dhintay isaga oo loo sii wado isbitaalka.

Ma aysan cadayn in uu yahay Kim Jong-nam oo 40-sanno jir ah oo walaal la ah hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa loo malaynayaa in uu ka baxsaday dalka Waqooyiga Kuuriya kadib markii hoggaanka dalka uu dhinac maray isaga, uuna walaalkiisa ka yar noqday hoggaamiyaha dalka.

Taleefishin kuyaala gudaha dalka Koonfur Kuuriya oo ay derisyihiin Waqooyiga Kuuriya ayaa ku waramay Mr Kim in gudaha garoonka ay ku sumeeyeen labo dumar ah, oo loo maleynayo in ay u dhasheen Waqooyiga Kuuriya.

Sidoo kale ilo-wareedyo ku dhow qoyska Kim oo la hadlay warbaahinta BBC-da ayaa sheegay in dhimashadiisa ay ku lug leedahay sun.

Maydkiisa ayaa lagu baarayaa isbitaal kuyaala gudaha Putrajaya oo u dhow Kuala Lumpur.

Ma jirto wax jawaab ah ilaa iyo hadda oo kasoo baxday dhanka Waqooyiga Kuuriya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*