Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay weerar ay dablay aan haybtooda la aqoon ku qaadeen huteel kuyaala Boosaaso

Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay weerar ay dablay aan haybtooda la aqoon ku qaadeen huteel kuyaala Boosaaso. [Sawirka: Archive]
Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay weerar ay dablay aan haybtooda la aqoon ku qaadeen huteel kuyaala Boosaaso. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dablay aan la aqoon haybtooda ayaa subaxnimadii Arbacada weerar ku qaaday huteel kuyaala magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal iyo masuuliyiinta dowladda.

Weerarka ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan labo dablayda kamid ah iyo labo kamid ahaa ilaalada huteelka,sida saraakiisha dowladda ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Goobjooge ku sugan magaalada Boosaaso ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dablaydu ay isku dayeen in ay gudaha u galaan huteelka kahor inta aysan toogan ciidamada ilaalada.

Huteelka lala beegsaday weerarka ayaa la dhahaa International Village, kaasoo badanaa ay isticmaalaan masuuliyiinta dowladda Puntland iyo saraakiisha ammaanka.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay in ay iyagu ka dambeeyaan weerarkaas, balse maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo ISIS ayaa ku sugan deegaanada miyiga ah ee gobolka Bari ee Puntland, oo ay kamidtahay buuraleyda Galgala.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*